April 23, 2014 | Posted by admin


Ciidamada Xoogga Dalka oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay Talaadadii shalay ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.

Ciidamada Dowladda, ayaa habeenimadii Axada isaga baxay Xeradii Militarga ee Deynuunaay, taasoo Shabaabka u sahashay in ay dib ula wareegaan deegaankaasi, aroornimadii Isniinta.

Ciidamada Huwanta oo Talaadadii ka amba baxay Xarunta Gobolka Baay, ayaa bilaa dagaal Shabaabka ugala wareegay gacan ku haynta Deynuunaay, oo 26km u jirta Baydhabo.

Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xooga Dalka ee Gobolka Baay, ayaa TV-ga Universal u sheegay, in Shabaabku ay isaga baxeen Deynuunaay, markii ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Midowga Afrika.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, oo ka hadlay qorshaha ay Isniintii ku qabsadeen deegaanka Deynuunaay, ayaa wuxuu ku sheegay mid ka dambeysay, markii ay xaalad go’doomin ah geliyeen Ciidamadii Dowladda, ee markaasi ka baxay.

COMMENTS