January 8, 2017 | Posted by admin

iranian-ship-crew-escape-after-5-months-in-captivity-1440795377-8312

Saraakiisha Amniga Dowladda Galmudug ayaa shaaciyay in ay Gacanta ku hayaan Nin u dhashay Puntland islamarkaana Ciidanka Badda Galmudug ay ku Qabteen Howlgal Qorsheysan.

Taliye kuxigeenka ciidamada badda Galmudug Cadirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay  VOA ayaan sheegay in Nin udhashay Puntland uu la socday Ajaanib ka soo jeeda Yemen oo Xeebaha Galmudug ay ku qabteen Ciidamada Badda Galmudug.

Sidoo kale Taliye Ku xigeenka ma sheegin sida ay ka yeeleyaan Shaqsiga u dhashay Puntland ee la socday Ajaanibta sida Sharci darada ah uga kaluumeysaneysay Xeebaha Dowladda Galmudug.

Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa socday Muran udhaxeeya Puntland iyo Galmudug hasa yeeshee lama oga Warkaan in uu jiro iyo in kale maadaama Galmudug ay Puntland eedeen usoo jeediyay.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS