March 24, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ciidamadda Itoobiya ee jooga Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegey iney gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadda Itoobiya, gaar ahaan Ciidamadda Koofi Gaduuda loo-yaqaano, ayaa waxay nin dhalinyaro ah ay ku qabteen Buundada Isha Baydhaba ee Magaaladda Baydhabo, kaasoo sida ay ku waramayaan xirnaa jaakad ka sameysan walxaha qarxa.

Ninkaan oo aan la’ogeyn sida ay ugu suurta gashay qabashadiisa Ciidamadda Itoobiya, ayaa waxaa hadana jira warar sheegaaya in markii hore ay ka shakiyeen, ka dibna ay ku amreen in uu gacmaha madaxo saaro, ayna taasi ka dambeysay qabashadiisa.

Siada wararka Magaaladda Baydhabo ka soo baxaya ay sheegeyaan in markii Ciidamadda Itoobiya ay ruuxaasi ku sameeyeen baaritaano, ay ka helleen jaakadda ka sameysan walxaha qarxa.

Nin dadka degaanka ah oo ka hadlayey sida wax u dhaceen ayaa sheegey inuu arkayey ciidamada Itoobiya inay ninkaasi si ba’an u jir dilleen, isagoo intaasi ku daray inay garba duub u xireen, ayna ula dhaqaaqeen dhinaca Warshaddii Advokaate Xaseey ee Magaaladda Baydhabo, halkaasoo ay ku lee-yihiin fariisimahooda ugu weyn ee Magaaladda Baydhabo.

Inta badan Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay toogtaan ragga Shabaab la-xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin, isla-markaana waxay ku toogtaan Dhismaha Warshaddii Advokaate Xaseey, oo ay deggan yihiin.

COMMENTS
  1. mahdi said:

    ASC alqaaida ma ahan islam mana ahan soomaali wadan keena xoog ayay ku joogaan marka waxaan qabaa in kii looga shakiyo xataan qoorta laga gooyaa sida ay iyagaba yeelaan , kan wuxuuba watan jaakadii qaraxa oo waxuu ma leegaayay in uu umada islaamkaa uu laayo , waan wada og nahay alshayaadiin iyo alqaaida waxay raad sadaan meel shacabka ku badan yahay wayna dhibaateeyaan markaas kadib ethipianka waa walaalaheen inta ragaan joogaan wabilaahi towfiiq.