August 31, 2014 | Posted by admin

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay deegaanka Fiidow oo kala qaybiya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan kana mid ahaa deegaannada ay ka taliso Al-shabaab.
Deegaanka Fiidoow oo qiyaastii 63-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayay ciidamadu galeen iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin xoogagga Al-shabaab sida uu sheegay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Abaanduulaha ciidamada, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo gellinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Fiidoow ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

“Howlgalku si toos ah ayuu u socdaa, waan ku raad-joognaa Al-shabaab qorshaheenuna waa inaan uga daba-galno meel walba oo ay galaan. Waayo awooddoodii ayaa hoos u dhacday, meel walba oo ay ciidamadu wajahaanna way ka cararayaan,” ayuu yiri Jen. Khaliif.

Sidoo kale, abaanduulaha ciidamad xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen gobollada dalka oo dhan, ayna Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ku sugan.

“Ciidamada dowladda sida iyo kuwa AMISOM sida lala socdo waxay maanta qabsadeen degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada Hoose, waana qayb ka mid ah howlgal-keenna qabsashada degmadaas,” ayuu hadalkiisa ku daray abaanduulaha xoogga dalka.

Abaanduulaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in howlgalka ay ugu Bad-weynta Hidiya ay ugu magac-dareen uu socon doono tan iyo inta ay taako ka mid ah Soomaaliya ka saarayaan Al-shabaab.

“Waxaa ka mid ah qorshaheenna in kooxdan aan xitaa ka saarno meelaha miyiga ah oo ay ku dhuuntaan marka magaalooyinka laga qabsado, mana dhici doonto inay mar dambe halkaas kasoo abaabulaan weerarrada ay ku dhibaateynayaan shacabkeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa sidoo kale maanta la wareegay Dhiin-garas oo ka tirsn ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo weli aysan ka hadlin Al-shabaab deegaannada gobolka Shabeellada dhexe ka tirsan ee ay maanta kala wareegeen ciidamada huwanta ah.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/Aug/wararka_maanta31-48117.htm#sthash.JrXJKQVw.dpuf

COMMENTS
  1. replica hermes replica hermes jeans vuitton vfxzvggf

  2. hermes replica riding boots replica leather hermes belt price zpejrtrm

  3. hermes birkin fake buy replica hermes bags china hong kong glmzuud