March 30, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho-Ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Amisom ayaa xaqiijiyay guud ahaan Amaanka degmada Deyniile kadib howlgal ay saaka ka sameeyeen degmadaasi.

Sida ay xaqiijiyeen wariyayaal ka tirsan Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka oo la socda ciidamada XDS, waxa ay si buuxda ciidamadu ula wareegeen degmada Deyniile,  sida xaruntii degmada iyo Cisbitalka Deyniile, iyadoo wariyayaashu ay halkaasi ku arkeen meydadka Tobaneeye ka ttirsan kooxda Alqaacidda.

Ciidmada XDS iyo kuwa Amisom ayaa ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadka Alqaacidda kadib markii ay ka saareen degmada Deyniile, ciidamada ayaa sidoo kale baaritaanno ka wada deegaannadii ay la wareegeen si loo hubiyo amaanka, dhanka kale ciidamadu waxa ay ku sii siqayaan deegaannada ku teetsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye sida ceelasha biyaha iyo K.m.13

Howlgalka ayaa haatan ka soconaya duleedka waqooyi ee degmada Deyniile iyo waddada Afgooye kaas oo qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii dalka oo dhan looga saari lahaa malleeshiyaadka Alqaacidda ee dhibaatada ku haya dadka iyo dalka Sooma

COMMENTS