January 2, 2013 | Posted by admin

Ciidamada dowladda oo sare u qaaday ammaanka caasimada xiliiyada habeenkii kana hortagay isku dayo la doonayay in lagu carqaladeeyo ammaanka.

Ciidamada ammaanka dowladda oo ay ka muuqato feejignaan iyo geyfanaan Dheeraad ah ayaa habeenkasta ka howlgala waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo baro kontarool ka sameystay isgoysyada magaalada Muqdisho,  kuwaas oo Baaritaanno ku sameeya gaadiidka, isla markaana roondooyin ku mara xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in xalay iyo habeen hore oo Muqdisho looga dabaaldegayay Bilashada sanadka cusub isla markaana ay waddooyinku aad u ciriiribadnaayeen iyadoo Hoteelada iyo degmooyinka qaar ay ka jireen xaflado lagu soo dhaweeynayay sanadka cusub ayeysan wax dhibaato ah dhicin,  xilli dadku ay soconayeen waddooyinka saqdii dhexe ee xalay iyo habeen hore.

Ciidamo kale oo ku hubeysan gaaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo isugu jira kuwa AMISOM iyo Booliiska Soomaaliya ayaa la arkayay iyagoo gaafwareegaya waddooyinka Muqdisho xilliyada maalintii iyo habeenkii,  kuwaas oo la dagaalama kooxaha wata hubka sharcidarrada iyo maandooriyaha.

Afhayeenka ciidamada Booliiska ahna taliyaha waaxda barista dembiyada Jeneral C/llaahi Xasan Bariise ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay kordhiyeen howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga Muqdisho, isagoo xusay in ciidamadu ay roondooyin ka sameeyaan xaafadaha degmooyinka.

Dhinaca kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahadceliyay shacabka ku nool Muqdisho wadashashaqeynta ay la leeyihiin iyo sida wanaagsan oo ay usoo fahmeen qiimaha nabadda iyo dowladnimada.

Howlgallada ciidamadu ay ku xaqiijinayaan ammaanka Muqdisho ayaa loo arkaa in uu wax weyn ka bedelay nabadgelyada caasimada Muqdisho,  taas oo shacabka ku dhiirirgelisay in ay magaalada mushaaxaan xilliyada habeenkii, waxeyna tani Muujineysa in amaanka magaalada uu yahay mid la isku haleynkaro.

COMMENTS