December 29, 2012 | Posted by admin

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada jowhar ee xarunta Gobolka sh/dhexe ayaa lagu soo waramayaan in ay howlagallo ay kasameeyeen magaaladaasi ay ku soo qaqabtee rag badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Shabaab-kii ugu badnaa xabsiga loo taxaabay kadib howlgal ay si wadajir ah usameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Jowhar.

Howlgalkan ayaa lasoo sheegayaa in lagu soo qabtay dad gaaraya 40 ruux oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab amaan xumo ka waday gudaha magaalada iyo duleedkeeda.

Taliyaha Ciidamadda dowladda ee degmada Jowhar Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in dadkan lasoo qabtay ay waden falal ka dhan ah ammaanka deegaamka.

Xabsiyada magaalada Jowhar ayaa waxaa ku xiran maxaabiis aad ubadan iyadoona dadka ku xiran oo ubadan dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in sugida amaanka magaalada iyo guud ahaan gobolkaas uu yahay mid wanaagsan ayna sii socon doonaan howlgalladalagula dagaalamaamyo Al-shabaab.

COMMENTS