July 21, 2014 | Posted by admin

Muqdisho—Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka wadaan Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Degaanka qaarkood oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Xaafada Taleex ee Degmada Hodan lagu arkayo Ciidamo badan oo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Nabad Ilaalada ee AMISOM.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa ka gaabsaday in ay faah faahino kala duwan ay ka bixiyaan howlgalladaasi balse waxaa ay tilmaameen in looga gooleeyahay sugida amaanka Magaalada Muqdisho.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya Iyadoo Xaafadaha kala duwan ee ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ay ka dhacayeen Dilal qorsheysan oo ka dhanka Saraakiisha Ciidamada iiyo Xubno kale oo ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

COMMENTS