October 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee ku yaal gobalka Shabeelada Hoose, gaar ahaan waddada laamiga ah ee siku xirta Muqdisho iyo Bayadhabo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo labo maalmood ka hor la wareegaya degamada Wanlaweyn ayaa shalay u gudbay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo ah garoon milateri, islamarkaana aan wax badan ka figeyn degmada Wanlaweyn.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ayaa garoonkaas fariisimo ciidan ka sameystay, waxeyna sheegeen iney usii gudbayaan degamada Buur-hakaba ee gobolka Baay oo Alshabaab ku sugan yihiin.

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qabsashada garoonka diyaaradaha Balli-doogle uu muhiim u yahay howl galkooda nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaana xarun ciidan u noqon doonto.

Garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo ah garoon ballaaran oo milateri ayaa ah goob istiraatiiji ah, waxaana laga yaabaa in ciidamada Amisom u adeegsadaan sladhig milateriga oo xagga cirka ah, iyadoo Amisom qorsheyneyso iney la timaado diyaarado dagaal.

COMMENTS