September 1, 2014 | Posted by admin

Waxaa weli Gobolka Shabellaha Hoose ka soconaayo hawlgalo ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, iyadoo xilligaan ay soo baxayaan warar sheegaaya, in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ku wajahan yihiin Degmada Baraawe.

Cidamada Huwanta, ayaa Sabtidii iyo Axadii la kala wareegay Degmooyinka Buulo Mareer iyo Kuntuwaarey, waxaana la tilmaamaa in Buulo Mareer ay ka mid ahayd goobaha ay ugu awooda badneyd Al Shabaab.

Degmada Baraawe oo ah mid xilligaan muhiim u ah Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa laga soo sheegayaa in barakac uu ka soconaayo, markii ay dadku soo food saartay cabsi ay ka qabaan, in lagu dul dagaalamo.

Bulshada ku nool Degmada Baraawe, ayaa la soo sheegayaa inaan si buuxdo loo aqoon halka ay ku wajahan yihiin, balse wararka ugu buuran waxay sheegayaan inay u barakacayaan Magaalada Muqdisho.

C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa wuxuu bidhaamiyay in 20km oo qura ay u jirto Degmada Baraawe, ayna qabsan doonaan goor dhow, sida uu yiri.

Si kastaba ha-ahaatee Ururka Al Shabaab, ayaa si weyn looga gacan sareeyaa hawlgalada ka bilowday Gobolada Somaliya qaarkood, waxaana lagu wadaa in dalka oo dhan looga sifeeyo.

COMMENTS