February 12, 2013 | Posted by admin

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgal in kabadan 200 oo ruux lagu soo qabqabtay ka sameeyay Afar degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho

Hawlgalkani oo ay si wada jir ah u fulinayeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugidda qaranka ayaa lagu soo qabqatay dad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleshiyada Al qaacidda ku abtirsata ee Al.shabaab

Markii uu soo idlaaday hawlgalka isla markaana lagu sameeyay kala saaris  ayuu warbaahinta la hadlay guddoomiyaha degmada X/jajab isagoo ka codsaday dhalinyarada dib u helay xoriyadooda inay la shaqeeyaan laamaha amaanka degmada  si ay ugu noolaadaan amni bulhshada ku dhaqan degmadaasi.

Khaliif Axmed Ereg taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir oo isna la hadaly dhalinyaradii lagu soo qabqabtay hawlgalka ayaa u sheegay in ujeedka loo soo qabtay ay aheyd xaqiijinta amniga degmada iyana ay u fahmaan sidaa.

Hawlgalkani  xalay laga fuliyay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ujedadiisu sare u qaadida amniga gobolka Banaadir isla markaana laga hortago falalka ay Al shabaab ku doonayaan inay si dhuumaalaysi ah uga fuliyaan degmooyinka gobolka.

COMMENTS