December 23, 2012 | Posted by admin

Maleeshiyaadka Al qaacidada Soomaaliya oo lagu sii eryanayo Deegaano fog oo ka tirsan koofurta dalka ayaa hadda sii wajahaya guul darooyin Militari oo sabab u ah xaalado badan oo is biirsaday.

Horjooogayaasha iyo malleeshiyaadka Shabaab ayaa ku dhuumaaleysanaya dhul Howd ah oo bahalo galeen ah, kadib markii uu ka soo daahiray nabsigii iyo Cuquubadii ay ka gelayayeen ummadda Soomaaliyeed oo awalba la liidatay diiftii Ay ku reebtay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.

Ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa shabaab ka xoreeyay Goboladii ay dalka kaga sugnaayeen, waxeyna hadda ku hareen deegaanno kooban Oo miyi ah, hase yeeshee ay ciidamadu ku sii raad joogaan, iyagoo wacad ku Maray in aysan ka hari doonin tan iyo inta Alqaacidda ku sugantahay taako ka mid Ah ciideena hooyo

Maaha markii ugu horeysay ay ciidamada dowlada baacsadaan haraadiga maleeshiyaadka Al-shabaab Iyadoo dhul baaxad leh horay looga qabsaday oo ay gacantooda

ku jirtay ayaa hadana inta hartay lagu soo gaba gabaynayaa gobolada jubooyinka kuwaasoo hada ay u dhimantahay kaliya in ay isdhiibaan kadib markii la wiiqay awoodooda.

COMMENTS