August 22, 2016 | Posted by daacad yare

Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-xaawo oo ku taala inta u dhaxeysa Bardaale iyo Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Buulo-xaawo in ciidanka ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaankaasi iyo Tuulooyin hoostaga.

Ciidamada oo aanan la kulmin dagaal sidaa u weyn ayuu sheegay Taliye ku xigeenka inay qabsadeen deegaankaasi, kadib markii Shabaabkii halkaasi joogay ay isaga carareen.

“saakay Ayaan la wareegnay deegaanka buulo xaawo wax iska cabin ah oo saas u weyn ma aanan la kulmin waxay awoodi waayeen,in ay u bar bar dhigaan ciidanka koofur galbeed iyo Ciidama xooga dalka soomaaliya oo ah ciidan diyaarsan,aan ku til maami karo in ay yihiin sooma jeestayaal”sdiaas waxaa yiri taliye Maxamed Isaaq.

COMMENTS