December 18, 2014 | Posted by admin

Shabaab
Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ka codsaday in ay u soo gudbiyaan wixii aqbaar ah oo ku aadan labo horjoogee oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab,kuwasi oo u dhashay dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay hogaanka danbi barista ee dalka Kenya ayaa sheegay in Maxamed Kuno,oo sidoo kale loo yaqaano Sheikh Maxamed, Dulyadin (Gamadheere) iyo Axmed Iman Cali, oo isna loo yaqaano Abu Zinira ay yihiin hogaamiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Booliska ayaa sheegay Kuno uu yahay hogaamiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka,isagoo mas’uul ka ahaa weerarada ka dhaca gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya,waxana uu sheegtay mas’uuliyada weeraradii dhawaan dad shacab ah lagu xasuuqay oo ka dhacay magaalada Mandera.

Ciidamada booliska ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Iman uu yahay madaxa kooxda Al-shabaab u qaabilsan soo saarista muuqaalada ay kooxda Al-shabaab soo dhigaan baraha internetka oo ay ku sheegtaan weerarada ay geystaan,gaar ahaan kuwii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Mandera.

Ku-xigeenka hogaanka danbi baarista ee dalka Kenya Gideon Kamilu ayaa ka codsaday shacabka dalka Kenya in ay booliska u soo gudbiyaan wixii aqbaar ah oo fududeynaya soo qabashada labadasi horjooge.

Mas’uulkan ayaa shacabka ugu baaqay in qofkii helo xog ku aadan labadasi horjooge uu ku soo war-galiyo saldhiga booliska ee ugu dhaw.

Horjooge Kuno ayaa macalin ka ahaa Madaraso ku taala magaalada Garissa,ka hor intii uusan sanadkii 2000 ku biirin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Horjooge Axmed Iman ayaa ka qalin jabiyay qeybta engineerika ee jaamacada Jomo Kenyatta University ee magaalada Nairobi.

Axned Iman ayaa sidoo kale ahaa xoghaynta gudiga masjidka Riyadha ee ku yaalo deegaanka Pumwani ee magaalada Nairobi,ka hor intii uusan sanadkii2009 ku biirin maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Horjeege Iman ayaa la rumeysanyahay in uu ahaa ardayga Sheekh Aboud Rogo oo sanadkii 2012 lagu dilay magaalada Mombasa.

COMMENTS