June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Ciidamada badda Dowlada Talyaaniga ayaa 4,500 qof oo muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay xeebaha badda dhexe  ee (Mediterranean sea).

Qaxootigan oo ka soo ambabaxay xeebaha Dalka Libya ayaa mid ka mida doonyihii ay la socdeen waxaa laga helay meydka qof dumar ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha bada dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in afartan jeer oo ay  howlgalo badda ka sameeyeen khamiistii oo keliya ay ku soo badbaadiyeen dad gaaraya 4,500 oo ruux.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inkabadan toban kun oo ruux oo tahriibayaal ah iney ku dhinteen badda dhexe (Mediterranean sea) tan iyo sanadkii 2014.

Tahriibayaashan la badbaadiyay oo aan weli la ogaan waddamada ay ka soo kala Jeedaan, ayaa intooda badan u muuqda kuwo ka yimi Qaaradda Afrika.

COMMENTS