July 7, 2014 | Posted by admin

Kooxo bustoolada ku hubeysan ayaa caawa toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Xidigle Yuusuf Xasan Caddow Yuusuf Taraafiko oo ka mid ahaa ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaan Taraafiko, iyadoo falkaasi dilka ah uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Kooxda falka dilka ah geystay oo ka koobnaa saddex ayaa markii ay falkaasi fuliyeen kaddib isku dayay inay goobta ka baxsadaan, hayeeshee ciidamada amniga oo halkaasi howlo amni xaqiijin ah ka waday ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan labo ka mid ah dhagar qabayaashii falkaasi dilka ah ka dambeeyay halka midka saddexaad uu baxsaday.

Sargaal u hadlay ciidamada gacanta ku dhigay labada dhagar qabe ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ku raad joogaan qofka saddexaad oo xusay inay Heleen macluumaad ku aadan halka uu ku dhuumaaleysanayo, islamarkaana labada dhagar qabe ay u gudbin doonaan Maxkamadda si caddaaladda loo horgeeyo, loona marsiiyo waxa uu sharciga ka qabo.

COMMENTS