July 27, 2014 | Posted by admin

Ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgallo lagu sugayo ammaanka ka wada xaafado ka tirsan degmada Hodan ee G/banaadir.

Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saaka xiray waddooyinka soo gala xaafadaha Sey Biyaano Ilaa Taleex, iyagoo mid mid u baaraya guryaha ku yaala xaafadahaasi.

Dadka ku nool xaafadahaasi ayaa saaka kusoo baraarugay ciidamada oo xiray waddooyinka xaafadahaasi, islamarkaana hakiyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu qabqabtay dhallinyaro lagu tuhmayo iney ka tirsanyihiin argagixisada Shabaab, inkastoo saraakiisha hey’adaha ammaanka aysan weli ka hadlin howlgalkan iyo cidda ay kusoo qabteen.

Xaafadaha ay ciidamadu howlgallada saaka ka wadaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay falal amnidarro ah, iyadoo halkaasi lagu dilay dad rayid ah oo an waxba galabsan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto sare u qaadida ammaanka caasimadda iyo ka hortagga falal kasta ee lagu carqaladeynayo ammaanka.

COMMENTS