March 15, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ciidamada Midowga Afrika ee howl-galada ka wado gudaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ka hor bisha August ay guud ahaan Soomaaliya ka saari doonaan Al-qaacidada Soomaaliya.

Madaxa ciidamada difaaca dowladda Uganda General Aronda Nyakairima oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee howl-galada ka wada Soomaaliya ay ka go’antahay sidii ay ugu talaabi lahaayeen gobollada Shabellada Hoose iyo Dhexe si halkaasi ay uga saaraan Al-qaacidada Soomaaliya, isagoona intaasi raaciyay in cutubyo ka tirsan ciidamdooda bisha April lageyn doono koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si halkaasi ay ugala wareegaan ciidamada Ethiopia iyo Kenya oo dhawaan halkaasi ka saaray Al-shabaab.

General Aronda Nyakairima ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya la gaarsiin doono inkabadan 17,700 oo askari, waxa uuna xusay in bisha April ay Soomaaliya soo gaari doonaan ciidamo ka socda dowlada Sierra Leone kuwaa oo qeyb ka noqon doono ciidamada Nidowga Afrika ee dagaalada kula jira Al-qaacidada Soomaaliya, isagoona intaasi raaciyay in kahor bisha August ay soo afjari doonaan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa horay u ansixiyay in la kordhiyo ciidamada AMISOM lana geyn doono gobollada dalka si halkaasi ay uga saaraan maleyshiyada kooxda Al-shabaab ee dhawaan sheegatay in ay ku biirtay Shabakada Al-qaacida.

COMMENTS