April 15, 2014 | Posted by admin

Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Dalka Burundi kasocda iyo Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa galabta la wareegay Xaafado katirsan Degmada Dayniile uu manta ka dhacay Dagaal Culus oo qasaare kala duwan dhaliyay.

Dagaalka ayaa manta ka dhacay Halka loo Yaqaan Haanta Dheer iyo Xeradii Saban saban , waxaana halkaasi ku dagaalmay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo u abaabulnaa qaab beeleed , kuwaa oo isku dagaalay Dhul Dowladu laheed oo qolo gaar ah ay ka baricisay masaakiin dagneed kadibna dooneysay in ay cabiraan.

Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Gaashaan ayaa la wareegay goobihii lagu dagaalamay , waxaana halkaasi ay Ciidamada ka kala direen kooxihii dagaalamay ,iyagoona hada xaalada kusoo celiyay sidii hore.

Dagaalka Maanta ka dhacay Xaafadaha katirsan Degmada Dayniile waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay Labo Askari oo katirsanaa Dhinacyadii dagaalamay , waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Xaalada ayaa xiligan u muuqata mid dagan , waxaana guryahooda dib ugu laabtay dadkii saakay dushooda lagu dagaalamay laguna qasbay in ay ka barakacaan Guryahooda.

Waxaa Inta badana Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka ay gacanta ku heyso Dowlada Soomaaliya ka dhaca Dagaalo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaa oo mararka qaarkood u dagaalama qaab beeleed.

COMMENTS