April 16, 2017 | Posted by admin

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Maanta Toogasho Ku dilay Laba Ruux oo Hoobiyaal ka Tuurayay Qaybo Ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Laba Ruux ee la Toogtay ayaa waxa ay ahaayeen sida la sheegay Rag Hubaysan oo watay Gaari Nuuca Raaxada ah iyo Hoobiyaal.

Laba Ruux oo Mayd ah ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho waxaana Goobta lagu soo bandhigayo ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Tilaabadaan ayaa ah Mid ay qaadeen Ciidamada Dowalada Soomaaliya waxaana Wasiirka amniga oo Halkaasi ka hadlay uu sheegay in Raga La dilay ay qaabilsanaayeen Dilalka Degmada wadajir islamarkaana ay dileen Xog hayihii Degmada Wadajir.
maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS