June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Maamulka Puntland ayaa caawa Albaabada u laabay Xarumihii uu Radio Daljir ku lahaa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in xariggooda loo cuskaday amar kasoo baxay Taliyiaha Booliiska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax [Ereg].

Xarumaha Radio Daljir ee Boosaaso iyo Garoowe ayaa albaabada la isugu laabay waxaana la sheegay in ay sabab utahay xariga idaacada waraysi ay ka qaadeen gudoomiyihii hore ee gobalka bari C/samad Maxamed Galan oo dagaal kula jira Xukuumadda Puntland.

Xarigga Xarumaha Radio Daljir, ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo Puntland soo saartay qoraal ay uga digayso Wariyeyaasha ka Hawl-gala Deegaannadeeda in ay wareystaan xubnaha xiriirka la leh Ururka Daacish iyo Burcadbadeedda ee Puntland ku sugan in kastoo aysan sheegin magacyada dadka ay ku tuhmayaan falalkaasi.

Dhanka kale, Wasiirka Warfafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde oo isagana la hadlay Warbaahinta, ayaa ku Hanjabay in Wariyihii aan u hoggaansamin Amarkooda ay dili doonaan, Taasoo noqonaysa Hanjabaaddii ugu Adkeyd ee Xukuumadda Puntland ay u jeediso Suxufiyiinta.

COMMENTS