Ciidamada Puntland ayaa howlgal ay ka
sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ku soo qabtay
Qaraxyo laga qaadi rabay Qaybo ka mid ah Boosaaso.
Ciidamada amaanka ayaa qabtay raggii
waday gaaraya Walxaha qaraxa la soo saaray iyo 5 qof oo la socday.
Howlgalkaan ayaa socday 24 -kii Saac ee lasoo
dhaafay sida uu sheegay taliyaha Ciidamada
Madaxtooyadda Puntland.
Qaraxyada ay qabteen Ciidamada Puntland ayaa
waxaa lala damacsanaa ilaa Saddex meelood in
lagu Weeraro.
“Waxaa lagu soo diyaariyay Fuustooyin saddex
qaybood ah oo loogu talo galay in saddex gaari
la saaro oo sadex meelood lagu qarxiyo waxay
ciidanku gacanta ku dhigeen gaarigii siday iyo
5nin oo waday” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada
Madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Cabdiraxiin
Ismaaciil.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhawaan
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa faahfaahino
dheeraad ah ay ka bixin doonaan Qaraxyadaasi.
Maxamed daacad Muqdisho.