June 14, 2017 | Posted by admin

Ciidamada Amaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay  tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya

10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House.

Qaraxan ayaa dhacay waqtigii Salaada Cishaha waxaana ay maqaaxidan ka mid tahay goobaha sida weyn xiliyada habeenkii loo tago oo ay dadku ku caweeyaan.

Sidoo kale, waxaa goobta gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday dad ku dhaawacmay weerarka.

Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan shabaab ay weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.

Qaraxan iyo weerarkan wada socda ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca caasimada bishan Ramadaan.

Waxaa yara Moodaa in Weeraradii alshabaab ay ku qaadi jireen Goobaha Ganacsiga sida Hotellada ay yaraadeen Tan iyo Markii Farmaajo Xilka Loo magacaabay.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

2017614636330554986597234DCTkplwXUAAArUCfffff

COMMENTS