January 8, 2017 | Posted by admin

maxresdefault-1-735x400

Ciidamada Amaanka soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen mooto la sheegay inay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la soo geliyaa magaalada Muqdisho.

saraakiisha Ciidamadda Amaanka soomaaliya ayaa ku qabtay mootadaan degmada Afgooye ee gobolka shabeellaha Hoose waxa ayna sheegeen in uu qarax saarnaa.

Mootada oo ah midda loo yaqaan Dhugdhugley ayaa waxaa saarnaa jaakado iyo waxyaabo qarxo oo la doonayay in la soo geliyo magaalada Muqdisho.

Mootada iyo ruux waday ayaa lagu qabtay degmada Afgooye, waxaana hadda ciidamada ay wadaan baaritaan la xiriira halka mootada laga keenay.

Ma jiro wili faah faahin dheeri ah oo ka soo baxay Ciidamada amaanka soomaaliya oo ku aadanaa halka qaraxa lala damacsanaa.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS