January 11, 2017 | Posted by admin

wadada

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoo la filayo inay magaalada ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkeyaa ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya, waxaana la diiday gabi ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.

Inta magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa la sheegay in amaanka magaalada Muqdisho la adkeyn doono si looga hortago carqalado dhanka amaanka ah.

Goobaha Maanta xiran waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo waddooyin kale oo muhiim ah ayaa gabi ahaanba xiran.

Goobaha waxbarshada dalka ayaa Maanta xiran qaar kood ka dib markii la fasaxay waxayna Taasi ka dhigneed in dadku ay ka war hayeen Xirnaashada wadooyinka Muqdisho.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS