August 23, 2016 | Posted by daacad yare

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidan u diray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka magaalada iyo goobaha uu ka dhacayo shirka mamaul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ciidamadan Booliska oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dhowaan dib u bilaaban doono.

Ciidamadan ayaa lagu wareejiyay Taliska qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana la sheegay in ciidamo kale oo dheeraad ah ay dhowaan ka imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inuu dhowaan dib u bilaaban doono shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo muddo sideed bilood uu hakad ku jiro shirka.

COMMENTS