July 28, 2014 | Posted by admin

Madaxda ugu sarreeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa farxadda ciidul fitriga la qeybsanaya dhammaan umadda Soomaalida, iyagoo u diray hambalyo ku aaddan ciidda.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyay ciidda, isagoo alle ugu baryay inuu ka aqbalo cibaadadii ay soo guteen bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka uu Alle wax siiyay inay farxadda ciidda la wadaagaan dadka danyarta ah ee aan waxba haysan, isagoo u jeediyay inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul was are Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa umadda Soomaalida ugu hambalyeeyay ciidda, isagoo Alle ugu baryay in uu dadka iyo dalka ka qaado dhibatada, uguna baddelo horumar, barwaaqo iyo midnimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Soomaalida ugu hambalyo ku saabsan ciidda u diray umadda Soomaalida, isagoo Alle ugu baryay inay gaaraan ujeedooyinka ay hiigsanayaan.
Guud ahaan dunida muslimka, gaar ahaan deegaannada kala duwan ee Soomaalida ayaa maanta si isku mid ah looga wada ciidayaa, iyadoo la arkayo dad badan oo si farxad leh ugu daamaashaadaya farxadda ciidda.

COMMENTS