April 21, 2014 | Posted by admin


Afhayeenka Ciidanka Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ay iyagu ka dambeeyeen dilka Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino), oo Isniintii lagu dilay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka, ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay ay ku daba jooggeen Xildhibaan Riino, ayna shalay u suurta gashay in ay qaarajiyaan, isagoo watay gaarigiisii gaarka ahaa.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Alfurqaan, ayuu sheegay Xildhibaan Riino in lala dhaawacay Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux, oo la socday gaariga Xildhibaanka geeriyooday.

Wuxuu ku hanjabay in ay wada dilli doonaan dhammaanba Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu xusay in ay ku raadjooggaan dagaal-yahanadooda.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa ujeedada ay u dilayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ku sheegay, iyagoo uu ku eedeeyay in ay dalka ku soo hogaamiyeen waxa uu ugu yeeray cadow.

Shabaabka waxay horey u dileen tiro ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyagoo markaasi ku eedeynaaya, in ay kaga diggeen ka mid ahaanshahooda Baarlamaanka, laakiin ay dhegaha ka fureysteen.

COMMENTS