May 7, 2016 | Posted by daacad yare

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sarre ee Dalka Caydiid Cabdilahi Ilka-Xanaf oo dhawaan uu xilka ka qaaday madaxweynaha soomaaliya Xasan Shekh Maxmud  ayaa shaaciyay in uu aqbalay Digretada madaxweynaha ka soo baxday ee xilka looga qaaday .

Aqbalada Ilka-Xanaf ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal Markii Xalay ay kulan wada qaateen Isaga iyo madaxweyne Xasan  waxaana kulanka ka dib Madaxtooyada Muqdisho kula Hadlay Saxaafada Abuukate Caydiid Ilka Xanaf isagoona si cad u sheegay in uu aqbalay xil ka qaadistii Madaxweynaha uu ku sameeyay 4 bisha may .

Ilka Xanaf waxaa uu intaasi ku daray in dhawaan uu xilka si rasmi ah ugu wareejin doono Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay isaga soo casilay Garyaqaanka guud ee Maamulka Soomaaliland.

Dhageyso ilka-xanaf

COMMENTS