June 26, 2015 | Posted by admin

Qoomkii Thamuud waxay ahaayeen Qabiilo caana ee loogu magac daray awoowgood Thamuud,waxay ahaayeen Carab degeneyd inta u dhaxeysa Xijaas iyo Tabuuk.

Allaha wuxuu u diray qoomkaas rasuul ahaan mid iyaga ka mida oo ahaa Saalax bin Cubeyd, wuxuuna ugu yeeray iney caabudaan Allaha kaliya, wax yar oo qoomkiisa ayaana rumeysay, halka intoodi badneyd ay diideen oo ku gaaloobeen. waxay isku dayeen iney magac dilaan oo ceebeyaan, xitaa waxay isku dayeen iney dilaan.

Kadib Reer Thamuud waxay nabi Saalax ka dalbeen in warkiisa u isaga haro amase la yimaado cadeyn iyo mucjiso oo waliba lagu xujeeyey inu buurtaan dhadhaabta ah ka soo saaro Hal dheerarkeedu yahay toban mitir .. Nabi Saalax wuxuu ku yiri: Bal ka warama haddi aan ajiibo dalabkiina ma rumeyneysaan inaan ahay rasuul Alle? waxay yiraahdeen iyago jesteynaaya Haa.

Nabi Salaax, wuu kacay oo Alle baryey, oo ka tuugay inu ajiibo dalabkooda, dabeeto Alle waa ka ajiibay inu buurta ka soo saaro Hal leh tilmaamihii ay sheegeen.

Markii loo soo bixiyey Hashi, oo arkeen mucjisadaan indhahooda oo waxay dalbeen ah, waxay u arkeen wax weyn oo dhacay iyo calaamo tusineysa awooda aan xadka lahayn ee Alle. in badan oo ka mid ah baa rumeysay islaamka, laakiin badankood waxay ku adkeysteen gaalnimadoodi.

Sida lagu balamay waxay ahayd in Hashu joogto oo ku dhex noolaato oo daaqdo halkii ay doonto iney daaqdo, iyo iney biyo ka cabto ceelka maalinteeda .. waxaa la sheegay iney lahayd caano deeqa oo ay ka dhargaan reer Thamuud oo idil bal ka badan.

Waxaa la sheegay reer thamuud iney Hashi u tashadeen iyo sidi loo dili-lahaa, waxaana shirqolkaas ka dembeysay laba naagood oo reer thamuud ah oo mid maalqabeen ahayd lana oran jiray Saduuq, waxayna markii hore guursatay nin ka baxay diintoodi oo islaamay markaasey iska furtay, dabadeed waxay u tagtay nin ay ilma-adeer yihiin oo ay ku tiri hadaad Hashaas disho waad ii guursneysa, ugu dambeyn markii la isla gartay in hashaas la dilo waxaa u soo istaagay laba nin iyo todoba kale oo lagu xoojiyey .. waxay ku heshiiyeen qorshahooda oo u galeen meel ay iyada soo marto ku sugeen. .. markii ay ka timid ceelkii biyaha nin la oran jiray Masrac ayaa kadinka uga soo baxay oo ku ganay falaartiisa oo kala haleelay faysha, isla markaana dumarkii ayaa isu soo baxay sey ugu dhiiri-galiyaan falkooda .. Nin isagana la yiraahdo Qidaar bin Saalif baa horay ula soo baxay warankiisi oo dilay markaas bay ku dhacday dhulka .. Reer Thamuud waxay soo deg-degsadeen ciqaabka, waxaa loo qabtay sadex maalmood .. subax khamiisaad oo ahayd maalinti ugu horeysay wajiyadoodi waxay noqdeen Cadaan. maalinti labaad Jimce wajigoodi waxuu noqday Casaan, maalinti sadexaad ee ahayd Sabti, waxay noqdeen Madow weyna dhamaadeen subaxdi Axada .. kadib markii ay soo baxaday Qoraxdi, waxaa ka yimid cirka qarax weyn iyo dhul gariir arlada hoostooda ah. dhamaantood way dhinteen oo dhaqaaq kasta waa ka istaagay halkaa.

Nabiga c.s.w ayaa laga wariyey inu ku yiri Cali bin abu-daalib ” ma kuu sheegaa dadka kuwa ugu shar badan: Cali ayaa yiri: Haa rasuul allow ! .. Nabigu c.s.w wuxuu yiri: ” laba nin, midkood waa ninkii reer thamuud ee dilay Hasha, iyo midka adiga Cali ah ku dili-doona kugu dhufan-doona madaxa ilaa u garkaagu qoyo “

COMMENTS