June 23, 2015 | Posted by admin

Waxaa saxaabada qaar soo wariyeen in Aadam ku dari jiray wiilka la mataanta ah gabadha walaashi ay wada uur galeen .. Haabiil wuxuu doonay inu guursado Qaabiil walaashi, Qaabilna waa u ka weynaa Haabiil gabadha la mataanta ah Qaabiil baana ka qurux badneyd wax badan mida la mataanta ahayd Haabiil.

Qaabiil waxuu doonay inu qaato gabadha la mataanta ah oo guursado .. Aadam-na wuxuu amray Qaabiil inu ku daro gabadhaas Haabiil, waase diiday Qaabiil inu yeelo sidaas .. Aadam markay saa dhacaday wuxuu amray labadaba iney u qadimaan Alle Qurbaan, oo dabadeed u kacay dhinaca Makka si uu u soo guto Xaj. waqtigaasna kacbadu weli ma dhisneyn hasa yeeshe waxay ahayd buqcad calaamadeysan.

Kadib markii u aadam safarkiisi xajka tagay, labdiisi wiil waxay Qadimeen Qurbaan, oo Haabiil waxuu soo bandhigay Wan buuran, waxuuna ahaa ari jire, halka Qaabiil u soo bandhigay xoogaa galey xumaatay .. Dab baa yimid oo qaaday qurbaankii Haabiil oo ka tagay Qurbaankii Qaabiil oo ma taaban.

Markaasu carooday Qaabil oo handaday Haabiil isagoo leh: waan ku dilaya si aadan u guursan walaashey .. Haabiil waxuu isna yiri: Alle wuxuu wax ka aqbala oo kaliya kuwa u hogaansan amaradiisa .. Ciqaabka u galay Qaabiil wuxuu ku bilaawday isla maalinti u dilay walaalkiis. Jeenigiisa waxaa loo geeyey bowdadiisa, wajigiisana waxaa loo jeediyey xagga Qoraxda meeshee uu u jiheeysto, taaso ahayd ciqaab looga dhigaayey dambiga iyo dulmiga uu ka galay walaalkii la dhashay

Aadam waxuu dhalay oo kale Wiil sadexaad oo hooyadiis u bixisay Shiis oo ay ku sheegtay inu yahay kii badalay Haabiil, shiisna waxuu dhalay wiil loo bixiyey Anoosh .. waxaa la yiri Shiis waxuu dhashay Aadam oo jira boqol iyo sodon sano, wuxuuna noolaa 800 oo sano.

COMMENTS