July 31, 2014 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan ayaa kusoo waramayaa in caruur aad u da’yar ay gaajo ugu geeriyoodeen Magaalada Buulo burde.


Magaalada Buulo burde ayaa ah Magaalo go’doosan oo Magali karaan gaadiidka sahayda Magaalada u wada, sababtoo ah Al-Shabaab ay go’doomiyay Magaalada Buulo burde.

Caruurta geeriyootay ayaa udhaxeeyay da’dooda 1-sano ilaa 2-sano waxaana ay udhinteen gaajo, kadib markii aysan waxba cunin muddo dhan 14-cisho sida uu sheegay aabaha dhalay caruurtaasi.

Aabaha dhalay caruurta geeriyootay ayaa hada intii kale ee caruurtiisa la aaday Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan si aysan uga geeriyoon.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku tilmaamay xaalada Buulo burde mid aan wanaagsaneyn, maadaama Al-Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada.

Ciidamada qabsaday Magaalada ee Amisom iyo kuwa Dowladda ayaa sahayda waxaa loogu geeya Diyaarado Helicopter ah.

COMMENTS