September 1, 2012 | Posted by admin


Maxamed C/xakiin Amiin Salaad iyo Cali C/xakiin Amiin Salaad waa labo wiil oo dhalinyaro ah, waa agoon aabahood waa geeriyooday, waxaa la duutiyey ilaa iminkana ka maqan lacag dhan 150-kun oo dollar oo aabahood uga geeriyooday.

Maxamed C/xakiin Amiin Salaad iyo Cali C/xakiin Amiin Salaad xaqooda waxa uu kaga maqan yahay oo hadda ka hor xukun maxakamadeed lagu riday Dr. Cali Maxamed Yuusuf Cali Yare oo ahaa kuxigeenka xeer ilaaliyaha qaranka.

Cali Yare oo ay maxkamaddu ku heshay denbiga loo haystay ee ah in uu si dadban u cunay xaq ay leeyihiin carruur agoon ah xukunkii lagu riday waxaa kamid ahaa 15-sano oo xarig ah iyo in uusan wax xil ah qaban Karin, Cali Yare markii xukunka lagu ridaayey cidi gacanta kuma hayn welina waa banaan joog.

Bilo kadib markii xukunkaasi dhacay ayaa Maxamed C/xakiin Amiin Salaad iyo Cali C/xakiin Amiin Salaad oo ah labada wii dhibanayaasha ah, waxay sheegeen in ay soo gaareen warar sheegaaya in la xafin rabo Dr. Cali Maxamed Yuusuf Cali Yare laguna celin rabo xilkii maxkamadda ka hayey sida ay sheegeen.

Dhanka kale Cabdinuur Amiin Salaad oo adeer u ah labada wiil agoonta ah ayaa isna dhankiisa codsanaya in la bixiyo xaqa ka maqan carruurta agoonta ah maadaama ay u baahan yihiin.

Cabdinuur Amiin Salaad waxa uu markale sharaxaad ka bixinaayaa qaabka lacagta loo cunay uuna ugu lug leeyahay Cali Yare oo ahaa kuxigeenkii hore ee xeer ilaalinta maxkamadda sare.

“Carruurta aahabood waxa uu ahaa Injineer ka shaqaynaayey Shirkadda Barkulan ee UN-ka, shil ayuu ku dhintay kadibna waxaa magdhow ahaan loo siiyey lacag gaaraysa 150-kun oo dollar, lacagtaasi waxaa wakiil looga dhigay Cali Yare si uu cuno lacagta waxa uu guursaday haweenay aan carruur dhalin oo uu ka dhintay Injineerka, kadibna sidaasi ayaa isaga iyo islaantu waxay u cuneen lacagtii loogu talagalay carruurta agoonta ah”, ayuu yiri Cabdinuur Amiin Salaad

Sikastaba xilligii Cali Yare lagu eedeeyey in uu cunay xaqa carruurta agoonta ah waxaa lagu joogaa muddo bilooyin ah ilaa iyo iminkana ma jirto cid siisay carruurtaan agoonta xaqa ka maqan.

COMMENTS