February 28, 2015 | Posted by admin

hijab_3213757b
Haweenay garsoore ka ah maxkamada magaalada Montreal ee dalka Canada oo lagu magacaabo, Eliana Marengo ayaa diiday inay dhageysato dacwada haweenay muslimad ah oo Xijaaban, Rania El-Alloul, sidaas waxaa qoray wargeyska Telegraph, ee UK.

Haweeneyda garsooraha ah ayaa ku dooday in xeerka Canada uusan ogolaaneyn in xijaab lala soo galo hoolka maxkamadda lagu dhageysto.

“Looma ogola maxkamadda in lala soo galo labis khaldan, tusaale ahaan looma ogola in dadka ay lasoo galaan koofiyado ama ookiyaalaha qoraxda, sidaa daraadeed xijaabka aad wadato looma ogola maxkamada” ayey tku dooday garsoore Eliana Marengo.

Xeerka garsoorka dalka Canada ayaa qoraya in qofka maxkamadda lasoo taagayo looga baahanyahay inuu u labisanyahay si asluubeysan, waxaase muuqata in garsoore Eliana Marengo ay qodobkaas si kale uga faa’iideysato si xijaabkeeda uga qaaddo haweeneyda Muslimada ah.

Haweenayda Muslimada ah ee lagu magacaabo Rania El-Alloul ayaa sheegtay inay tahay qof muslim ah isla markaana xijaabkeeda xaq u leedahay, aysana iska dhigin doonin.

Haweeneyda Muslimadda ah ee Rania El-Alloul ayaa maxkamada u tagtay dacwad la xariirta gaari ay leedahay oo uu caymiska ka qaatay oo dooneysay in dib loogu soo celiyo.

Markii Rania El-Alloul ay diiday iney xijaabka iska qaaddo ayaa haweneyda garsooraha ah waxey ku tiri “Laba mid kala dooro, inaan maxkamada dhageysigeeda dib u dhigo oo aad qareen qabsato ama inaad iska furto xijaabka”.

Rania El-Alloul ayaa kusii adkeysatay go’aankeeda ah ineysan iska xayuubi doonin xijaabka Islaamka, waxaana markaas dib loo dhigay maxkamada.

Haneeneyda Muslimadda ah ayaa waxay sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto haweneyda garsooraha ah ee u dhalatay dalka Canada.

Rania El-Alloul oo la hadashay warbaahinta dalka Canada ayaa sheegtay in ay la yaabtay hab dhaqanka garsooraha iyo waliba inay dareentay inaysanba xaquuq ku lahayn Canada, hadiiba lagu heysto xijaabkeeda.

Falkan ayaa waxaa cambaareeyey qaar ka mid ah xildhibaanada Canada oo ku eedeeyey garsoore Eliana Marengo iney ku tumatay xaquuqda Rania El-Alloul.

COMMENTS