February 24, 2015 | Posted by admin

552x309xPres-with-Galaydh.jpg.pagespeed.ic.WFSwhL1sAq
Muqdisho- Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khaliif Galaydh.

Kulanka labada dhinac ma jirto faah faahin badan oo laga hayo,balse waxaa la sheegay in looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya ay gacan u siin lahayd maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif Galaydh, waxuu horey dalka uga soo noqday ra’iisal wasaare, dhowaanna waxaa loo doortay hoggaanka Khaatumo.

Galaydh ayaa dhowr mar dowladda faderaalka Soomaaliya ka codsaday inay gacansiiso maamulka uu hoggaaamiyo,kaaso an wali saldhigan.

“Madaxweynaha waxaan kala hadlay danaha Khaatumo,si wanagsan ayaana iskula afgaranay arrimihii an kala hadalnay,”ayuu yiri madaxweyne Galaydh oo ka hadlay kulankii uu la qatay madaxweynaha Soomaaliya,kaaso dhacay maalintii shalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay dowladda uu hoggaamiyo inay gacansiin doonto maamullada dalka kuwii horay u jiray iyo kuwa xilligan dhismaya.

Deegaannada Khaatumo ayaa ah dhul ay ku muran-sanyihiin dowlad-gobolledyada Puntland iyo Soomaaliland,waxaana la sheegay qodobka inay isla soo qaaden Xasan iyo Galaydh.

Ugu dambeyn,Cali Khaliif ayaa horay si cad u sheegay maamulka uu hoggaamiyo inuusan raaci doonan Puntland iyo Soomaaliland oo ku muran-san deegaanno ka tisan gobollada SSC ee Khaatumo.

COMMENTS