June 25, 2015 | Posted by admin

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa qiil u yeelay weerarkii ay shalay Magaalada Muqdisho kula beegsadeen gawaaridii ay la socdeen Saraakiisha Emirate-ka Carabta.

Afhayeenka oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in Emirate-ka Carabta uu maanta ka qayb qaadanaayo dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, taasna ay ka dambeysay inay weeraraan.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya Emirate-ka in uu taageero weyn siiyo Dowladda Somaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana ay door muuqdo ku lee yihiin dagaalka lagula jiro.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, ayuu tibaaxay inuu u dhacay sidii loogu talla galay, isla-markaana ay waxyeelo buuran ka soo gaartay Saraakiil Emirate-ka Carabta u dhashay iyo ciidan isugu jira Soomaali iyo Emirate-ka, kuwaa oo galbinaayay sida uu sheegay Saraakiisha.

Cali Maxamuud Raage, ayaa ku celceliyay in Emirate-ka uu Magaalada Muqdisho ka wado wax ka dhan ah buu yiri Shareecada Islaamka, sidoo kalana uu qayb ka yahay dhibaatada lagu haayo buu yiri Ummada Muslimiinta ee caalamka.

Cali Dheere oo weerarkan ku sheegay midkii ugu horeeyay oo Emirate-ka ay la beegsadaan, ayaa hadana ku cago jugleeyay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhan ah, sida uu yiri.

In ka badan 10 qof oo shacab ah, ayaa ku dhimatay weerarkaasi, iyadoo 25 kalana ay dhaawacyo kala gedisani ka soo gaareen. Qaramada Midoobe iyo Dowladda Somaliya, ayaa si xoogan u wada cambaareeyay weerarkaasi.

COMMENTS