February 27, 2015 | Posted by admin

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa ku cago jugleeyay inay beegsan doonaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Dowladda Federalka Somaliya, meel kasta oo ay dalka ka jooggaan.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyay Idaacada Afurqaan oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa Dowladda Somaliya ku eedeeyay mid u adeegto waxa uu ugu yeeray cadowga Alle.

Afhayeenka, ayaa sheegaaya inay diyaar u yihiin inay beegsadaan Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda, si aynaan dalka ugu gacangelin waxa uu ku sheegay cadowga.

Cali Maxamuud Raage oo soo hadalqaaday weeraradii Central Hotel ee Degmada Xamar Weyne, ayaa ku faanay inay ku laayeen waxa uu ugu yeeray kuwa u adeegga cadowga.

Waxa kaloo uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada qorsheysan, ee ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Cali Dheere, ayaa mintidiinta Al Shabaab ku ammaanay inay qabanayaan shaqooyin wanaagsan, loona baahan yahay inay sii wadaan.

Cali Dheere wax naxariis ah uma joojin bulshada ay waxyeeladu ka soo gaareyso dhibaatada, ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho. Wuxuuna dadku ugu yeeray inay isaga fogaadaan goobaha ay isugu yimaadaan Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda.

Argagaxisada Somaliya, ayaa waxaa muuqaneyso sida ay halista ugu yihiin xasiloonida dalka

COMMENTS