September 7, 2015 | Posted by admin

Ma rumeysan-karta iney jirto suurad quraanka ku jirta oo haddi aad akhrisato kaa daaweyneysa ilawshiyaha .. hilmaanka iyo faham xumida waa xanuun beryahaan dambe aad looga cabanaayo taasoo oo aad arkeyso qof dhalinyaro ah oo haddana markaad wax weydiiso kugu oranaaya waa hilmaansanahay ama si fiican uma xasuusto. marka sidaa la leeyahay looma jeedo yaan waxba la iloobin ama la hilmaamin waayo ilaahay ayaa bani-aadamka ku tilmaamay ilawshiyo badan, balse waxaa loola jeeda ilawshaha xanuunka ah ama xasuusta oo qofka ku yaraato sabab kasta ha ahaate.

Halkaan waxaan ku soo bandhigaya labo qiso iyo daawadooda sida ay suurada Quraanka ahi u daaweysay .. ibnu Haashim ilaahay Raali ha ka noqde ayaa siiradiisa ku warinaaya: Masaajidkii ibnu Cabaas ayaa maalin waxaa soo galay wiil dhalinyaro ah dharkiisuna ay wasakh leeyihiin, isla markaana is la hadlaaya oo xaga maskaxda ka jiran (waalan).

Dadkii masjidka joogay ayaa arkay wiilkaan xanuunsanaya ee masjidka soo galay kadib dibada ayey u saareen .. ibnu Cabaas ayaa sheekadi maqlay oo dadki ku yiri: muxuu ahaa wiilkaani ? waxay ugu jawaabeen waa Qof xanuunsan oo waalan waxuu sameynayana aan is garaneyn.

Saaxiibki rasuulkii naxariis korkiisa ha ahaate, oo ibnu Cabaas ah ayaa yiri: iigu yeera wiilka markii loo keenay ayuu gacmihiisa madaxi wiilka saaray waxaanu ku akhriyey suuratu Yaasiin markii u ku dhameeyey akhriski ayuu ilaahay u soo celiyey caqligiisi xanuunkiina ka caafimaaday.

Dadkii ayaa weydiiyey wuxuu ku akhriyey ee ilaahay caliga ugu soo celiyey? wuxuu ugu jawaabay waxaan ku akhriyey suuradi rasuulku ku sheegay iney tahay wadnaha Quraanka ( suratu Yaasin).

Sheekh ibnu Taymiya ayaa yiri: Haddi waxaan doonaayo inaan xafido ay igu adkaado xifdigiisa ama markasta aan hilmaamo ( xasuus waayo) faraha ayaan ka qaadi jiray oo waxaan soo qaadan jiray kitaabka Quraanka waxaan akhrisan jiray Suuratu Yaasiin markaan dhameeyo ayaan ku noqon-jiray wixii igu adkaaday ama aan hilmaamay markaan hal mar akhriyo ayaan xafidi jiray.

Inkasto oo quraanku dhamaanti hanuun iyo daawo u yahay dadka muslimka ah ayey hadana suratu Yaasin tahay furaha maskaxda iyo daawada ilawshiyaha.

COMMENTS