November 29, 2012 | Posted by admin

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo xarun u ah maamulka Ximan iyo Xeeb oo mudooyinkan ku talaabaneysay horumar dhinacyo badan taabanaya ayaa markii ugu horeysay laga hirgeliyey kaalimo shidaalka laga qaato oo casri ah.

Kaalimahan shidaalka laga qaato oo ah noocyadii ugu dambeeyey ee ku shaqeeya qalabka Digitalka ayaa waxaa degmada Cadaado laga hirgeliyey ilaa todoba kaalin waxaana maalgeliyey ganacsatada degnadaas.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda magaalada Cadaado ayaa soo dhoweeyey iney helaan kaalimo shidaal oo halkaas kla shaqeynaya kuwaasoo aysan qabin magaalooyin ka waaweyn Cadaado oo Somalia ku yaala.

Qaar ka mid ah ganacsatada degmadaas ee kaalimaha shidaalka hirgeliyey ayaa sheegay in qarash fara badan ay geliyeen sidii kaalimahan ay uga sameyn lahaayeen degmadaas waxayna sheegeen iney dibeda ka keeneen qalabka ay u isticmaalayaan.

Axmed Sheekh Xasan (Jage-jage)
[email protected]
Tel:+252-615190222
Cadaado, Somalia

COMMENTS