August 23, 2014 | Posted by admin

Wararka laga helayo Deegaano katirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen Deegaano dhowr ah isla markaana Muddo ay ku sugnaayeen oo ay ku caawin jireen Ciidanka Mamulka KMG ah ee Jubba.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in caawa si rasmi ah ay ufaarujiyeen Deegaano ay kamid tahay tuulada Buurgaabo, Qaar kamid ah Shacabka ku sugan duleedka tuuladaasi ayaa sheegay in caawa maqribkii isgaarsiinta hawada laga saaray islamarkaana ciidanka Kenya ay galabta dudumiyeen difaacyadii ay ku lahaayeen agagaarka dekadda Macmalka ah ee Tuuladaasi.
Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamadaan ka guuray Tuulada Buurgaabo aysan uguurin Deegaan kale balse ay u baqooleen Dalkooda.

“Ciidanka Kenya Deegaanka Raaskaambooni way ka baxeen Buurgaabo way xirxirteen qalabkooda oo waxaa lafilayaa in ayba xiligan baxayaan sababtoo ah isgaarsiintii ayay hawada ka saarayeen gelinkii danbe ee Maanta” Sidaasi waxaa yiri qof ku sugan deegaanada Joorraha loo yaqaan.

Dhanka kale Goob Joogayaal ku sugan Deegaano kale oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijiyay in boqolaal katirsan ciidanka Kenya ay baneeyeen dhul ballaaran oo ku teedsan xeebta Jubbada Hoose.

Waxaa lasoo warinayaa in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyagana haatan wadaan Diyaar garoow ay kaga baxayaan Magaaladaasi maadaama aysan ku qanacsaneen joogisteeda haatanna ay ku faraxsan yihiin Hadalka Madaxwaynahooda maanta kasoo baxay ee sheegaya in Ciidanka kenya oo idil laga soo saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Somaliya.

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba waxaa haatan lasoo daristay Xaalad Cabsi ah maadaama ay waayeen Difaacii ka hor taagnaa Ciidanka Barre Hiiraale waxaana laga yaaba in Maalmaha soo socda Ciidanka kenya ay ka baxaan Kismaayo isla markaana ay duulaan kusoo qaadaan Dagaalamayaasha taabacsan Siyaasi Barre aadan shire Barre Hiiraale oo ku sugan Duleedka Magaalada.

COMMENTS
  1. Eerible Faranfar said:

    Reer Puntland, iyaga uun baa ku waashay ‘FEDERAALEEY, FEDERAALEY,’
    .
    Hadda oo gobollada dhexe loo dhisayo Maamul Federaali ah, maxay u dhibsanayaan?!
    Maskax yare, mallay xadhig ku dabe, murama naagoodle,
    Macaan iyo qadhaadh aan is-geyn, meel sugu geeye,
    Maseyii hooyadii lagu furiyo, gabay Majeerteenle,
    Mabda’ iyo ujeeddaduu lahaa, muujin kari waaye,
    Micnahaad ujeeddana dadkii, maandhow garan waye,
    Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershay,
    DAD BAY MEELI BUKTRAA, BUKTAA, DAD BAY MEELI BUKTAA!
    SOOMAALI OO IDILBA, WAY idin BARATAY.
    Qaran baa kla dhisayaa ee meesha ciidan Amxaaro Muqdisho lagu soo hoggaamin maayo,
    sidii Khaainul waddankii Cabdullahi Yuusuf ahaa.
    Hawl dawladnimo ayaa socota ee meesha Balamballe Amxaaro loo gacan gelinmaayo?
    Sharaftii dalka ayaa la soo celinayaa ee meesha Kismaayo iyo badda Soomaaliyeed
    loogama iibinaayo Kenya.
    Dhul iyo bad cadawga laga iibiyo moogiye, maxaa meherad kale u diiday Maxamuud
    Saleebaan?
    Diinta Islaamka waxaa ka baxday, cayna ugu dartay dhilo ah Ayaan Xirsi.
    Cabdullaahi Yuusuf Amxaaro ayuu keenay Balambale.
    Mar kale, Amxaaro ayuu ku soo hogaamiyay caasimaddii dalka ee Muqdisha.
    Ayaan Xirsi waxay hunguri ka doontay inay ka baxdo diinta Islaamka oo ay weliba aflagaaddeyso diinta. Waa Cismaan Maxamuud.
    Cabdullaahi Yuusuf waa Cumar Maxamuud.
    Taariikhdu waxay qoreysaa in boqorkii Majeeteen ee Cimaan Maxamuud uu dalka
    ka iibiyay gumeysigii Talyaaniga, isagoo haddana khiyaanay Maxamad Cabduule Xasan
    oo dagaal diini ah iyo weliba xorriyad-doon ah kula jiray Ingiriiska iyo Amxaarada
    iyo Talyaaniga.
    Boqorka , Ayaan Xirsi iyo Cabdullaahi Yuusuf, maxay ka siman yihiin oo ay wadasagaan?
    WAXAY KA SIMMAN YIHIIN oo ay wadaagaan, INAY DHAMMAANTOOD YIHIIN MAXAMUUD SALEEBAAN.
    Kuwiinna dadkaas la ehel ah, ka soo jawaaba sababta aad shaqo uga dhigateen
    dalka oo Amxaaro iyo Kenya iyo Talyaani laga gado?
    Ka soo jawaaba sababta aad u gadataan diinta Islaamka.
    Dawladdan Federaalka ah waxaad uga horjeedaan waa laba:
    A. JAGADII RAIISULWASAARAHA OO AY IDINKA QADISAY LABA JEER.
    B. Kuwa aad qabbaanka u tihii oo ah Xabashi iyo Kenyaatiga oo idin amraya inaad
    Dawladda Federaalka ku furtaan tashwiish, si aanay u cago dhigan.
    Maxaa jago la idiin dhiibaa: dalkiiba waa idiin iib e!!!
    ILAAH BAA ARSAAQDA BIXIYEE, WADDAN LA IIBIYO IYO RUFIYAANNIMO SHISHEEYE MOOYEE, MAXAA MEHERAD KALE U DIIDAY MAXAMUUD SALEEBAAN?
    Sow ma ogidiin dalka iyo baddiisaba in aad wax ku leedihiin? hunguri-si-xun-ku-raadis-yohow
    bakhtiyay.
    Ummadda Soomaaliyeed oo idinla yaabban sow ma aragtaan?
    In la isku kiin wada tilmaamay, sow ma aragtaan?
    Yaxyax iyo sarriig ma leedihiin, mise gawrac baad sugeysaan???

  2. Eerible Faranfar said:

    Kuwii ku yimid Taangiga Kenya, iyagana waa inay sii xirxirtaan
    boorsooyinkooda.

    DDhulkii iyo baddii Soomaaliyeed Raskambooniyiintu waa isku
    dayeen inay ka iibiyan Kenya. Dan iyo tabar baase diidday.

    Ma aadan maqlin miyaa in Kenya gudaheeda uu jihaadka
    ka socdo.

    Waxa Nairobi ka dhacaya?

    Waxaa Mombasa ka dhacaya?

    Waxa Malindi ka dhacaya?.

    Dalxiiskii Kenya oo is-taagay?

    Dawladda Kenya oo calaacalkii ka dhammaaday?

    Reer galbeedkii oo u deyriyay Kenya?

    Kenya intay qooqday bay Kismayo u soo orgootay.

    Ri’dii orgootay ee Kenya aheyd, haddaa lagu abaahinayaa

    Mombasa,
    Malindi,
    Nairobi,
    Garisa,
    Wajeer,
    etc.

    Weli la isma gaarin. Ama shandado xirxiro ama
    ha xirxiranin.