June 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka saaka naga soo gaaraaya gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan deegaano kamid ah gobolkaasi.

Ciidamada huwanta oo dhowaan Al shabaab kala waraagay degmada Afmadow ayaa maanta gobolkaasi ka wada abaabulo kale oo ay ku doonaayaan in ay dagaal ugu qaadaan Al shabaab.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa Kenya ayaa la sheegay in xoojiyeen labada waddo ee Afmadow ka kala aada dhinacyada magaalada Kismaayo iyo magaalada Bu’aale.

Dagaalyahanadii Al shabaab ee laga saaray degmada Afmadow iyo kuwii ka yimi dhanka gobolka Shabeellaha Hoose ee Afgooye laga soo qabsaday ayaa isugu tegay deegaandaasi, waxayna wadaan abaabul ay ku difaacanaayaan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Ciidamada Dawladda iyo kuwa Ururuka Raaskaambooni ayaa inoo sheegay in hawlgalku ku wajahan yahay magaalada Kismaayo, waxayna ku hanjabaeen in ay dhowaan la wareegi doonaan.

Dhanka kale war laga soo saaray wasaaradda difaaca ee Dawladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay saacadaha soo aadan gacanta ku dhigi doonto magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee gobolada Jubbooyinka.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xooggan waxayna ka cabsi ka qabaan dagaal khasaare geysta oo labada dhinac ku dhexmara gudaha magaalada.

Shabaab oo muddooyinkan la wiiqay awoodoodii dhanka Ciidanka ayaa iminka la sheegay in aysan ku dagaalami karin dhulka banaan ee ay ku dhex dagaalamaayaan dadka rayidka ah.

Dhanka badda waxaa magaalada Kismaayo uga soo dhowaanaaya maraakiibta dagaalka ee Dawladda Kenya, waxayna mararka qaar duqeeyaan fariisimo ay shabaabku ku leeyihiin halkaasi.

Sikastaba xaaladda ayaa cakiran, Kismaayo waa magaalo muhiim waxaana shabaab kasoo gala dhaqaale badan.

COMMENTS