July 9, 2014 | Posted by admin

Danjirihii Soomaaliya ee Britain, C/llaahi Maxamed Cali (San-bololshe) ayaa loo magacaabay taliyaha guud ee ha’yadda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii saakay xilkaas laga qaaday agaasimiihii hore, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe).

Agaasimaha Nabad-sugidda Qaranka ayaa waxaa magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed, iyadoo lagu sheegay isbedelkan inuu qayb ka yahay dib u habeynta hay’adaha ammaanka dalka iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ogolaaday magacaabidda agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda Qaranka, C/llaahi Sanbololshe, iyadoo ay tani imaanayso kaddib markii xalay ay Al-shabaab weerartay madaxtooyada.

Sanbololshe ayaa horay u soo noqday wasiirka ammaanka Somalia, isagoo xilligii ugu dambeysay ahaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Britain, xilkaasoo uu horay ugu magacaabay madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay ha’yadda Nabadsugidda ayaa horay ula soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay in uu rajeynayo inuu isbedel dhinaca ammaanka ah ka la yimaado.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa saakay aroortii hore ka qaaday xilalka taliyihii booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Saacid iyo agaasimihii hay’adda nabadsugidda, isagoo talliyaha booliiska u magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale wasiirka amniga Qaranka u magacaabay Khaliif Axmed Ereg oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda gobolka Banaadir, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ka dalbaday mas’uuliyiinta cusub inay howl-karnimo la yimadaan.

Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay si dhow ula socon doonto howlaha ammaanka dalka, gaar ahaan Muqdisho oo ay dhawaanahan ka dhacayeen falal ammaan-darro oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/July/wararka_maanta9-47360.htm#sthash.FE8gHyRz.dpuf

COMMENTS