February 8, 2013 | Posted by admin

Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Gaas oo socdaal xog waran ah ku jooga dalka Canada kulamo la yeeshay jaaliyada Magaalada Toronto.

Mudane Gaas oo u waramaya mid kamid ah idaacadaha laiska daawado ee magaalada Toronto ayaa waxa uu siweyn u taageeray nidaamka Fedraalka ah. [Halkaan ka daawo wareysiga]

“….. mabda’a dowliga ah ama hanoqdo mid Fedraaliisimka ama mid dowlad dhexe si shaqsiyan waa lagu kala duwannaan karaa laakiin mabda’a Fedraaliisimka ee xukuumadeyda ma ahane ee sagaal sano ka hor IMBAGATI ayey Soomaali ku heshiisay iyaga oo leh dagaal oogayaal joogey,  iyaga oo leh uraradii bulshada joogeen, iyaga oo leh maamuladii markaas jiray, iyaga oo leh ergadii bulshada caalamka ”. ayuu yiri Cabdiwali Gaas

Isaga oo hadalkiisii sii wata ayauu yiri

” IMBAGATI ayey kasoo bilaabatay waana lagu heshiiyey”.

Wareysigaan oo ahaa mid xiisa badan ayaa waxa uu ku tilmaamay in fedraalnimada ay soomaalida dan ugu jirto waxa uuna sheegay in ku kala nabadgalayaan waxa uuna yiri.

“..Fedraaliisimka Soomaalidu waa ku kala nabadgaleysaa waana ku dowladoobeysaa……… hala tijaabiyo”

Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas waxa uu ku dooday in fedraalnimda ay mudan tahay in la tijaabiyo.

“Dowlad dhexe oo xoogleh waa ay nasoo martay 69 kii ilaa 91 dii ayaanu laheyn waxaa laga yaabaa in la yiraahdo waa ay na anfici weyday dee dhib baa ka yimid nidaamka dowliga noocaas ah marka tan hala tijaabiyo hala arko in Soomaali u shaqeyneyso iyo in kale”. ayuu yiri.

Cabdiwali Gaas ayaa waxa uu si toos ah u yiri.

“Iyada oo aan la gaarin in uu Soomaali u shaqeynayo iyo in kale in shaki lagaliyo anigu ilama qumana”

Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas isaga oo ka hadlaya dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya waxa uu sheegay in ay qeexis u baahan tahay sida canshuuraadka iyo kheyraadka dalka loo qeybsanayo.

“waxaa loo baahan yahay waxayaabo badan in la qeexo waxaa kamid ah Sida loo qeybsanayo”.

“Maxaa dowlada dhexe yeelaneysaa maxaa gobolada yeelanayaan … canshuurta teebaa dowlad dhexe ku hareysa teebaa aadeysa gobolada, kheyraadka  dalka gobolada ku jira see loo qeybsanayaa dowlada dhexe maxey yeelanasaa, gobolada maxey yeelanayaan degmada maxey yeelanayaan waxaas waa waxyaabaha dib loo dhigay oo loo baahan yahay in laga wada hadlo ”

Mudane Cabdiwali Gaas ayaa ku celceliyey in fedraal lagu heshiiyey waxa markale ayuu ku celiyey

“Mabdaiyan Soomaali in ay fedraal  noqoto waa ay ku heshiisay”

Dhanka kale Mudane Gaas ayaa waxa uu si adag u qeexay in shacab ay xaq u leeyihiin in ay hogaankooda doortaan isaga oo dhankaas ka halaya waxa uu yiri.

“…. dadka iyaga ayaa xaq uleh in ay soo doortaan cidii iyagu xukumi laheyd dib u heshiisiinta ayaa ku jirta, nidaamka dowlada baa ku jirta, is aaminaadaa ku jirta, Soomaalinimadii oo soo laabata iyo kalsoonidii baa ku jirta, marka saas in loo fahmaa loo baahan yahay”.

Waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan dad diidan fedraalnimada ay jiraan.

‘ Anigu umaleyn maayo qof oranaya Fedraaliisim ma jiro, cid oraneysa dadka isma soo dooran karaan inay jirto u maleyn maayo saas inlooga qanco ayaa wanaagsan”. ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Raiisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa waxa socdaalo ku kala bixinayaa gobolada Mareykanka qaarka ay Soomaalida ku badan yihiin waxaa ayaamaha nagu soo aadan kulana kula yeelan doonaa jaaliyada Soomaalida ee Minneapolis ku nool.

COMMENTS