July 29, 2015 | Posted by admin

554x480xBouh.jpg.pagespeed.ic.VmcoS575Bh
Cabdirsaaq Muuse Buux oo ku noolaa dalka Germany ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii is-miidaamiyay ee gaariga walxaha qarxa ka buuxay ku qarxiyay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Cabdirsaaq uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee Axaddii lagu qaaday hoteelka sida wayn loo ilaaliyo ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay wakaaladda Reuters u xaqiijiyeen ilo dhinaca ammaanka Cabdirsaaq Muuse Buux ayaa ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee lala beegsaday Hotel Jazeera.

Cabdirsaaq wuxuu ku dhashay sanadkii 1985 magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya,wuxuu ku noolaan jiray magaalooyinka Bonn ee dalka Germany, Qaahira ee dalka Masar iyo Boorama oo ku taalla Somaliland,axay hay’addaha ammaanka Jarmalka u diiwaan geliyeen inuu ahaa nin aad u mayal adkaa oo horay loogu xiray dalka Jarmalka.

Waxaa la sheegay sanadkii 2009-kii in laga celiyay Cabdirsaaq Muuse Buux inuu ka dhoofo Jarmalka, kaddib markii looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah,hase ahaatee sanadkii 2012 ayuu ku guuleystay inuu ka tago Jarmalka oo uu aado dalka Masar, kadibna u sii gudbo Soomaaliya.

Kooxo Khubaro ajaaniib ah oo ku howlan baaritaanka dheecaanka DNA ee ruuxii isku qarxiyay Hotel Jazeera
Kooxo Khubaro ajaaniib ah oo ku howlan baaritaanka dheecaanka DNA ee ruuxii isku qarxiyay Hotel Jazeera
Wargeyska Jarmalka ee la yiraahdo Die Welt ayaa horay u xaqiijiyay inuu ku biiray al-Shabaab, isla markaana uu fuliyay weerarkii Axadii ee Jazeera Hotel lala beegsaday, kaasoo ay ku dhinteen illaa 15 ruux.

Dowladda Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay inay tuhunsan-tahay ruuxii fuliyay weerarkii Axadii lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho inuu ahaa nin ku noolaa dalkaas, oo horay ugu biiray ururka al-Shabaab.

Dheecan laga qaaday qofkii ismiidaamiyay ayaa lugu xaqiijiyay inuu ahaa Soomaali Jarmal,waxaana baarida sameeyay kooxo khubaro ajaaniib,waxaana ay qaadeen si ay u oggaadan heybtiis dheecaanka DNA ama Hiddo wadaha qofka ee lagu garto tixraaca qofka.

Cabdirsaaq Muuse Buux waxuu siyaadinaya tiradda dhallinyaradda ka timaada wadamada reer galbeedka ee isku qarxinaya Soomaaliya,waxaana dalalka reer galbeedku ka digan socdaalka dhallinyaradda ee dalal ay ku jirto Soomaaliya.

COMMENTS