December 30, 2012 | Posted by admin

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa hay’adaha samaflka ugu baaqay in ay gargaar bini’aadamnimo la  gaaraan shacabka ku nool magalaada Kismaayo oo uu sheegay inay haysto nolal xumo.

Wasiirka oo hoggaaminayey wafdiigii labada maalmood ku sugnaa magaalada Kismaayo ee ka socday dawladda ayaa sheegay in  indhahooda ku soo arkeen in dadka ku nool magaalada ay  haysato dhibaato dhanka nolasha ah kuwaasoo ay ka muuqato dacdarro iyo rafaad.

Cabdikariim  Xuseen Guuleed oo warbaahinta kulan garoonka diyaaraha ee magaalada kismaayo ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka ee QM iyo kuwa caalimiga ah  in si deg deg ah ula soo gaaraan kaalmo bini’aadamnimo,asagoo intaa ku darey in mas’uuliyinta magaalada Kismaayo ay diyaar u yihiin soo dhaweynta  hay’adaha una sahalayaan  tasiilaadka ay u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka  ee xukuumadda federaalka Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ugu baaqay inay hay’adaha laga doonayo in xafiisyo ka furtaan magaalada Kismaayo  kana  qaybqaataan  dib u soo celinta adeegyada bulshada sida caafimaadka,waxbarshada iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolasha dadka .

Wafdiga dawladda oo ka koobnaa wasiirro,saraakiil ciidan iyo xildhibaano ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo kormeer ay ugu kuurgalayeen xaadda dadka rayidka ah ku soo maray xaafadaha magaalada,kuwaasoo shalay dib ugu laabtay magaalada Muqdishu.

COMMENTS