August 23, 2014 | Posted by admin

Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiintii ku noolaa Magaalada Muqdisho ee ka baxsaday Barnaamijka hub ka dhigista ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa dilalkii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho.

Isaga oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobalka Galaduud ayuu C/waal sheegay in dadka Soomaalida ay ogyihiin sida uu yiri inaanan geysan jirin dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Cabdi Waal, ayaa sheegay in dadka wax ku dilaya Magaalada Muqdisho ay yihiin ciidamada ruuxaanta ee ka tirsan kuwa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho ay ka biloowday barnaamijka hub ka dhigista ayaa waxa ay Magaalada noqotay mid ay ku yaraadeen dilalkii ka dhici jiray caasimada.

Ammaanka Muqdisho ayaa hada soo hagaagaya, taasi oo dadka Odorasa arimaha amniga ay kuugu sheegayaan in sababta ay tahay hub uruurinta Dowladda ay Muqdisho ka biloowday oo keentay xasil dhanka amniga ah.

COMMENTS