December 20, 2014 | Posted by admin

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxwaynaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ee la doonayo in dhowaan la dhiso.
IMG_A879C5-0C2E8A-6A0C0C-8D5DBA-6D3C6B-75FCFA

Cabdi Qaybdiid, ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka badali doono xaaladda gobolada Mudug iyo Galgaduud hadii loo doorto xilka Madaxwaynaha maamulka goboladaas, isla markaasina uu ku soo kordhin doono amni, dhaqaale iyo horumar dhinacwaliba leh.

Dhanka kale C/qaybdiid, ayaa ka hadlay waxqabadka maamulkiisa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxwaynaha maamulka Galmudug, waxuuna tilmaamay in intii uu jiray maamulka dib u dhis lagu sameeyay xarumihii dowladda ee koonfurta magalaada Gaalkacyo.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in wax qabadkiisa ay kamid ahayd dhismaha xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug iyo dhismaha xarunta Baarlamaanka maamulkaasi, dhismaha xarun ay odayaasha dhaqanka deegaankada maamulkaasi ay ku shaqeeyaan oo la qalabeeyay iyo arimo kale, oo ay gacan ka gaysatay hay’ada UNICEF.

Madaxwaynaha Mamulka Galmudug, Cabdi Qaybdiid, ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uu ku guulaystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee koonfurta Gaalkacyo, garoonka ciyaaraaha ee C/aahi Ciise oo ay dhismihiisa gacan ka gaysteen hay’adaha USAID iyo UNDP, dhismaha xeryihii ciidamada xooga Soomaaliya iyo xarumihii danta guud degmada Hobyo.
– See more at: //risaala.net/articles/23831/Sawiro-Cabdi-qaybdiid-oo-sheegay-inuu-yahay-musharax-maamulka-G-dhexe#sthash.I0JOOjgq.dpuf

COMMENTS