August 7, 2017 | Posted by admin

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Golaha Shacabka iyo sidoo kale Aqalka Sare ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda labada Aqal , waxaana doorasho Muqdisho ka dhacday ay Gudoomiye u doorteen Cabdi Qeybdiid.

Xilkaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa loolan Culus oo u dhaxeeyay Cabdiraxmaan faroole iyo sidoo kale Cabdiqeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa kaga adkaaday ninkii xilkan kula tartamayay ee C/raxmaan Faroole codod dhan 6-4.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS