May 28, 2017 | Posted by admin

Saddex qof ayaa ku dhimatay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii nin  hubeysan uu rasaas ku furay goob raashin laga qeybinaayay degmada Caabudwaaq.

Ninka Rasaasta furay ayaa waxa ay la sheegay in uu  ka carooday qaabka wax loo qeybinaayo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Sheegay in Ruuxaasi dadka laayay uu ka xanaaqay Raashinka qaabka loo qaybiyay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan dadkii goobta raashinka lagu qeybinaayay dhoobnaa.

Mas’uuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay Falkaasi.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS