July 22, 2015 | Posted by admin

Maraykanka ayaa ku baaqay in diiradda la saaro in dalka Burundi ay ka dhacdo awood qaybsi, doorashadii dalkaasi ka dhacday shalayna waxa uu ku tilmaamay mid aan xalaal iyo xor toona ahayn.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa ay sheegtay in ay dib u eegi doonto iskaashi kaste oo ay dalka Burundi la lahaayeen taas oo ay ka mid tahay in ay xayiraado fiiso saaraan dad gaar ah.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mark Toner, ayaa sheegay in go’aanka Madaxwayne President Nkurunziza uu ku gaadhay in uu mar sadexaad is sharaxo in uu ka hor imanayo heshiiskii Caruusha lagu gaadhay, kaas oo uu ku tilmaamay in uu darbi u ahaa ammaanka dalka Burundi tobankii sano ee u dambeeyay.
Wuxuu intaas ku daray in aysan dalka ka dhicin nidaam olole doorasho oo xor ah, isla markaana ay rabshadaha dalkaasi ka qaxeen tobonaan kun oo reer Burundi ah.
Murashaxiin kala duwan oo mucaarad ah ayaa qaadacay doorashada, waxaana jira warar sheegaya in dad tiro yar ay codkooda dhiibteen

COMMENTS